booliis ld boliis.
booliquute ld boolicun.
boolixooftayn eeg boolixooftee. ld boolaxooftayn.
boolixooftee U b.: faan iyo hanjabaad cid u jeedin. ld boolaxooftee.
boolixoofto Faan iyo hanjabaad been ah oo cid loo jeediyo. ld boolaxoofto.
boolo Ciyaarta turubka, hadba marka la dheelayo haadka loo boqro. ld boolayn.
boolyid eeg booli².
boon (1) (boon, m.dh) Nin nolol maalmeedkiisa ka soo saaro ugaarsashada.
boon (2) 1. Beel ugaarsato ah. 2. Haweeney ka tirsan dadka ugaarsiga ku nool.
boonbiyeed Ninka tababaradka bilowga ah ku jira ee loo carbinayo sida gammuunka loo gano waxna loogu dilo.
boondhow Furdaaminta la furdaamiyo qof herinta ka mid ah oo dembi galay; carromaris.
boongeli Cid herin ku darid.
boongelin eeg boongeli. ld boongelis.
boongelis ld boongelin.
booqad ld booqasho.
booqasho eeg booqo. ld booqad.
booqo Cid, meel, waddan si xaaladdeeda loo ogaado aadid.
boor (1) 1. Ciid budo ah oo dabayshu si sahlan u qaaddo; siigo; bus. 2. B. ah: midab dambaska u eg oo ay lo'da iyo dameerahu yeeshaan.
boor (2) ld boorid.
boor (3) 1. Sac godlan waayey ama dhashiisa diiday wamme ama fintir iwm sabiisha ka gelin. 2. Is b.: dhabarka godid.
boor-kamakacdo Haween isku darsatay caajisnimo iyo baalinnimo.
booraan God hoos u dheer oo af dhuuban leh.
booraandawaco God dawaco.
booran 1. Wax la booray ahaansho (sac). 2. Wax qalloocan ahaansho (dhabarka).
boorane Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug.
booranji Nooc dharka midabka leh ka mid ah.
boorayn eeg booree. ld boodayn.
booraysad ld booraysasho.
booraysasho eeg boorayso. ld booraysad, booraysi.
booraysi ld booraysasho.
<< < 157 158 159 160 161 162 163 164 165 166 167 > >>