Ereyga Maanta: hiilley
bulsheynimo Bulshey ahaansho.
bulsho Dad meel ku wada nool oo isku dan ah.
bulu Dhasha biciidka. ld bulul.
bulukaati Bir-xaar dusha dheen dahab ahi ka marsanyahay.
bulukeeti Saddex-jibaarane yar, ka samaaysan ciid bataax ah iyo shamiito la isku qasay oo guryaha lagu dhisto; jaajuur.
bulul ld bulu.
bulumbulyo Cayayaan yar, u eg suuska badarka gala oo qoryaha dhuuxooda burburiya; xar.
buluqbuluq 1. Buluqbuluqleynta. 2. B. ah: qof buuran oo hilib jilicsan leh. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar mayridda ah.
buluqbuluqlee Hilibka saaran nafley aad u cayishay ruxasho.
buluqbuluqleyn eeg buluqbuluqlee.
bulush Miiqyo badan oo dun, mayrax iwm ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo.
buluto Meereyaasha qorraxda kan ugu dambeeya ee ugu fog. Buluuto ama Buluto 2006 ayaa laga saaray Meerayaasha rasmiga ah.
buluug 1. Midab kan cirka ama badda oo kale ah. 2. Qurus yar, budo buluug ah ka samaysan oo dharka cad la geliyo si midabkiia loo khafiifiyo.
buluuto eeg buluto.
bulxamid eeg bulxan².
bulxan (1) Cod nafley badani isku darto oo farxad iyo qosol leh.
bulxan (2) Nafley badan cod farxad iyo qosol leh samayn.
bumbo ld bambaano.
bun 1. Geed dhulka kulul ka baxa, dhala miro kuuskuusan oo beer iyo qolof adag leh. 2. Miraha geed bunka oo laga sameeyo qaxwaha, kafee. 3. Miraha bunka oo saliid ma subag lagu shiilay.
bunaaxi (1) ld banaaxiyid.
bunaaxi (2) ld banaaxi².
bunaaxin ld banaaxiyid.
bunaaxis ld banaaxiyid.
bunaaxiyid ld banaaxiyid.
bunaaxo ld banaaxo.
bunaysad ld bunaysasho.
bunaysasho eeg bunayso. ld bunaysad, bunaysi.
bunaysi ld bunaysasho.
bunayso 1. Bun la shiilay cunid. 2. Saliid ama subag bun lagu shiilay marsasho.
bunbay Bir af dhuuban oo lagu eego muunada badar jawaan ku jira; kasbo¹.
<< < 166 167 168 169 170 171 172 173 174 175 176 > >>