Ereyga Maanta: yalaalugood
nuqul Sawir ama koobi laga sameeyo qoraal asal ah.
nur 1. Xilli roobku da'o. 2. Daaq waxtar leh.
nus Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; bar. Tus. “N. kiilo bariis ah”.
nusqaamid ld nuqsaamid.
nusqaan (1) ld nuqsaan¹.
nusqaan (2) ld nuqsaan².
nuud (c.nafl.) Liid hilib ah oo isku xira xiniinyaha iyo futada xayawaanka lab.
nuug 1. Caano naas ka jaqid. 2. Biyo, naafto iwm tuubbo ku dhuuqid iyada oo la adeegsanayo bishimaha iyo carrabka. 3. Hoore isbuunyo, cudbi iwm ku soo qaadid.
nuuggan Neef caano laga nuugay ahaansho.
nuugganaan eeg nuuggan. ld nuugganaansho.
nuugganaansho ld nuugganaan.
nuugid (1) eeg nuug. ld nuugmo.
nuugid (2) (c.nafl.) Nuugidda soohyadu nuugaan biyaha iyo walaxda kale ee jirku u bahanyahay. Cunnada nafaqadeeda waxa laga nuugaa xubnaha dheefshiidka waxayna raacdaa dhiigga iyo liinfada.
nuugitaannimo (fiis.) Sumad . (Syn. la micnotahay isirka nuugidda). Cabbirka kartida walaxi ay ku nuugto kaah, waana saamiga kaaha ama burqad iftiimeedka la nuugay iyo kaaha ama burqad iftiimeedka abbaaraa.
nuugmo ld nuugid.
nuuji Ilmo naas jaqsiin.
nuujin eeg nuuji.
nuun 1. Summad ishkinka badanaa qoorta looga dhigo oo u eg nuunka xuruufta carabiga. 2. ld na'.
nuunaas (1) 1. Hadal hoos loo yiraahdo oo qof ku muujinayo in aanu wax raalli ka ahayn; gunuunuc. 2. ld nuunaasid.
nuunaas (2) Wax aanu raalli ka ahayn dartii hadal hoos ugu dhihid (qof).
nuunaasid eeg nuunaas². ld nuunaas¹ (2).
nuuni Fikrad, cilmi, suugaan iwm curin.
nuunin eeg nuuni. ld nuunis.
nuunis ld nuunin.
nuur (1) Kaaha ka baxa walax iftiimaysa.
nuur (2) Walax iftiinta kaah bixin.
nuurad (1) Maaddo midab cad leh oo laga helo dhagxaan si gaar ah loo gubay, dhismayaashana lagu dhisaa ama lagu caddeeyaa. ld nuuriyad, nuuriyo.
nuurad (2) (kiim.) Kaalsiyam.
nuuradayn eeg nuuradee. ld nuuriyadayn.
nuuradaysan Guri iwm wax nuurad marsantahay ahaansho. ld nuuriyadaysan.
<< < 1141 1142 1143 1144 1145 1146 1147 1148 1149 1150 1151 > >>