Ereyga Maanta: gedmo
waraabe-ligis Nooc waraabaha ka mid ah oo meesha uu qaniino aysan dhaqso bogsan.
waraabi 1. Cid oomman biyo la cabbo siin. 2. Beer oomman biyo ku duwid.
waraabid eeg waraab². ld waraab¹.
waraabin eeg waraabi. ld waraabis.
waraabis ld waraabin.
waraaboobid eeg waraabow³.
waraabow (1) Cudur xun oo laysku qaadsiiyo isu tegidda ragga iyo dumarka ama lala dhasho; xabbad.
waraabow (2) (daaw.) Cudur muddo dheer oo ka mid ah cudurrada galmada, waxaana keena baktiiriyuunka “trepopnema pallidum” oo jirka ka gala meel dhawac ah.
waraabow (3) 1. Waraabe noqosho. 2. Wax hilib badan cuna noqosho.
waraabsan 1. Nafley wax la waraabiyey ahaansho. 2. Beer wax biyo lagu sii daayey ahaansho.
waraabsanaan eeg waraabsan. ld waraabsanaansho.
waraabsanaansho ld waraabsanaan.
waraabsasho eeg waraabso.
waraabso 1. Nafley oomman biyo siisasho. 2. Beer oomman biyo ku duwasho.
waraaq 1. Baalaal xalxalleefsan, jilicsan oo badanaa wax lagu qorto. 2. Xaashi qoran oo laysu diro. ld warqad.
waraar 1. Neef iwm oo inta wada jir loo qasho qiimihiisa la qaybsado. 2. Oogada nafleyda meel ka mid ah; duud; waraq. 3. Buur gollaheeda; jeex.
waraarad ld waraarasho.
waraarasho eeg waraaro. ld waraarad.
waraari Wax ruxid ama jiljilid (gilgilid).
waraaro Neef si wada jir ah u qalasho iyada oo qiimihiisa la wada bixinayo.
waraaryid eeg waraari.
waraase ld waraasi.
waraasi 1. Midab cawl ah oo lo'du yeelato. 2. Caano dhay ah, cabbaar yiil oo xoortii ka dhacday, labeenna soo yeelanaya. ld waraase.
warac 1. Qof dhowrsoon oo xumaha ka fogaado. 2. Qof ragannimo leh; geesi ah. 3. Labada gollood ee buurta middood.
waraf Xarig qaylo dheer oo lagu ilaalsho beeraha; qawle; jacle; jeedalqawle.
waraf (1) Welwel ama xanuun lala seexan waayay. ld weref¹.
waraf (2) Welwel ama xanuun la seexan waayid. ld weref².
waran (1) Qalab lagu dagaallamo oo ka samaysan bir ballaaran oo labada dhinac af ku leh iyo caarad dhuuban, ul xooggan iyo taki.
waran (2) 1. Wax in la qorraxeeyo loo kala bixiyey ahaansho. 2. Badeeco iwm wax dhulka lagu fidiyey ahaansho. 3. Wax la baabi'iyey ahaansho. 4. Meel wax biyo jiifaan ahaansho.
waran-cireed (fiis.) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.
<< < 1488 1489 1490 1491 1492 1493 1494 1495 1496 1497 1498 > >>