Ereyga Maanta: qawadid
bud-dhigid eeg bud-dhig². ld bud-dhig¹.
budaddar (1) Adkaynta soor lagu adkeeyo budo.
budaddar (2) Soor bislaatay budo ku adkayn.
budaddaran Soor, wax la buddadaray ahaansho.
budaddarid eeg budaddar².
budaddarnaan eeg budaddaran. ld budaddarnaansho.
budaddarnaansho ld budaddar-naan.
budayn eeg budee.
buddi (dii.) Qof raacsan diinta loo yaqaan buddiyadda.
budee Wax budo ka dhigid.
budli Wax aad u jilcin ama budul ka dhigid.
budlin eeg budli. ld budlis.
budlis ld budlin.
budo Wax aad loo daqiiqay oo bito laga dhigay.
budoobid eeg budow². ld budow¹.
budow (1) Ka hariwaayidda laga hariwaayo xaajo la bartay oo la qaayibay. ld budoobid.
budow (2) Ka hariwaayid wax la bartay oo la qaayibay.
budul 1. Meel xoolaha marintoodu ay jilcisay oo habaas ka dhigtay. 2. Dariiq la maro, daw, tub, dhabbe. 3. Wax la tumay oo budo laga dhigay.
bug (1) B. dheh: cod lagu muujiyo qarax ama dhac.
bug (2) (bukay, bugtay; buki) Qof, wax bukaan ah ahaansho.
bugayn eeg bugee. ld bucayn, buhayn.
bugcad Meel bannaan, dhulka intiisa kale ka sarreyso oo ciid jilicsan leh. ld buqcad.
bugee Cid si aan halis ahayn u garaacid. ld bucee, buhee.
bugtaan ld bukaan.
bugto Cudur.
bugux Dhanka ay qorraxdu u dhacdo; galbeed. ld bogox.
buhabbuhayn eeg buhabbuhee. ld bucabbucayn, bukabbukayn.
buhabbuhee Cid si aan halis ahayn u garaacid. ld bucabbucee, bukabbukee (2).
buhayn ld bugayn.
buhee ld bugee.
<< < 163 164 165 166 167 168 169 170 171 172 173 > >>