Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xarmasho
niyaxumow  1. Qof aan niyo wanaagsanayn noqosho. 2. Ka n.: wax rajo aan wanaagsanayn ka qabid. ld niyadxumow.
niyaxun  1. Qof aan daacad ahayn ahaansho. 2. Qof aan niyo wanaagsanayn ahaansho. ld niyadxun.
niyeysad  ld niyeysasho.
niyeysasho  eeg niyeyso. ld niyeysad, niyeysi.
niyeysi  ld niyeysasho.
niyeyso  Wax in la helo filasho.
niyo  1. Meesha damaca, jacaylka, xumaha iwm dadku ku qaado. 2. Rabitaan wax loo hayo. ld niyad.
niyoo  U n.: hanti iwm wax dartii u bixin.
niyood  eeg niyoo.
niyooroofilis  (baay.) Nooc ugu caansan unugyada cadcad, kuwaas oo bannaanka uga bixi kara qulqulka dhiigga una gudbi kara nudaha jidhka si ay u soo dabaan bakteeriyada meel kasta oo ay jidhka ka weerarto. Unugyadani markay dhintaan waxay noqdaan malax.
niyurooloji  (daaw.) Barashada qaabdhiska, shaqada, iyo cudurrada qaybta maskaxda, xangullada iyo dareenwdayaasha.
niyuuratoon  (kiim.) Saxar saleed ku jira bu'da, leh cuf le'eg ka borotoonka mase leh saldanab. Xaaladaha qaarkood, niyuutaroonku waxa uu u mataataxaa orotoon, elektaroon iyo lid-niyuutariino aan celceliska cimrigoodu ka badanin 12 daqiiqo, marka ay ka baxaan bu'da atamka.
nofembar  ld noofembar.
noh  Hawo kulul oo muddo yar socota.
nohnoh1  1. Socod deg-deg ku jiro oo nafley gaajaysan ama harraadani ay samayso marka ay u jeedaan meel biyo ama cunto leh. 2. N. ah: wax mataatax noqday. nohnoh2  Wax mataatax noqosho. nohnohid  eeg nohnoh².
nolol  1. Muddada naftu joogto ee u dhaxaysa dhalashada iyo dhimashada. 2. Si lagu noolyahay oo lagu dhaqmo.
nolol-maalmeed  Dhaqaale qofka baahidiisa ku filan muddo 24 saac ah.
nololey  Qaybta ka mid ah oogada dhulka iyo gibilkiisa ee ay nafleydu ku noolaan karto, amase, ay nafleydu ku nooshahay.
nololley  Dhammaan Gobolka sare ee dhulka, badda, iyo hawada oo ay ku noolyihiin noolayaal.
nolosha ruuxiga ah  1. Mid la xiriirta ama u dhow nolosha ruuxiga oo ku xiran noocyada ama dano qoto dheer. 2. Waxaan ahayn walxaha oo ah dabeecada ruuxiga.
noobiyad  Dhismo dheer oo nal iftiima oo midabbo kala duwan leh oo xeebaha iyo jasiiradaha lagu dhiso si maraakiibta, doonyaha iwm uga qiyaas qaataan; munaarad.
nooc  Qayb wax ka mid ah oo leh tilmaamo u gaar ah; cayn; namuun.
noocayn  eeg noocee. ld noocyeyn, noocyeys.
noocee  Wax noocyo kala duwan ka dhigid. ld noocyee.
noocyee  ld noocee.
noocyeyn  ld noocayn.
noocyeys  ld noocayn.
nood  Lacagta inteeda waraaqda ah. ld noodh.
page : 1143 of 1584
<< < 1138 1139 1140 1141 1142 1143 1144 1145 1146 1147 1148 > >>

 

Exit mobile version