Ereyga Maanta: marjiid
buji 1. Wax sida haan iwm haruub ka qaadid. 2. Wax meel ka duleelin.
bujin eeg buji.
bukaan Qof bugta badan, jirroole. ld bugtaan.
bukaan-wareysi (daaw.) Wareysiga bukaanka oo uu takhtarku ka qoro, kana kooban: a) war bukaan qoyseed; b) war bukaan qofeed; c) war bukaan cudur hore; d) war bukaan cudurdambe.
bukaani ld bukoni.
bukaanjiif Qof bukaan ah oo isbitaal la seexshay si loo daaweeyo.
bukaannimo Bukaan ahaansho.
bukaanqaad Sariirta yar ee lagu qaado qofka aad u jirran.
bukaansocod 1. Qof jirran oo socon kara oo lugtiisa ku taga meeshii uu iska daaweyn lahaa. 2. Bukaansocod-eegto.
bukaansocod-eegto Meesha dadka jirran lagu baaro cudurradooda oo lagu daaweeyo, laakiin aaney seexan.
bukaar ld bakaar.
bukabbukayn 1. ld bukayn. eeg bukabbukee. 2. ld buhabbuhayn.
bukabbukee 1. ld bukee. Wax garaacid si lagu jilciyo. 2. ld buhabbuhee.
bukasho eeg buko. ld bukood.
bukayn ld Bukaysiin; bukabbukayn.
bukaysii 1. Nafley bukaan ka dhigid (Ilaah). 2. Wax bukaan ah iska dhigid. ld bukee.
bukaysiin eeg bukaysii. ld bukayn.
bukee ld bukaysii; bukabbukee.
bukid eeg bug².
buko Wax bukaan ah noqosho. ld bukoo.
bukoni Moos waaweyn oo la kariyo. ld bukaani.
bukoo ld buko.
bukood ld bukasho.
bukur (1) Haruubka dhiil ama aagaan yar.
bukur (2) Dhiil ama aagaan yar oo caanaha lagu shubto.
bul (1) 1. Miiqyo badan oo dun, mayrax iwm ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo. 2. Saynta ka laallaadda dabada nafleyda qaarkeed inteeda dambe.
bul (2) (bulay, bushay) Mayrax, dun iwm miiqyo yaryar ka dhigid.
bulaal (1) ld bulaalid.
bulaal (2) 1. Nafley taran iyo barwaaqo helid. 2. Wax tiradooda iyo tayadooda badasho.
bulaali Nafley taran iyo barwaaqo siin (Eebbe). 2. Wax tiradooda iyo tayadooda badin.
<< < 164 165 166 167 168 169 170 171 172 173 174 > >>