aagaan
(m.l) (-nno, m.l/dh)

Weel yar oo wax lagu shuban karo oo haamaha lagu aabburo.

aagaan
(m.dh) (-aamo, m.l)

Haan yar oo biyaha ama caanaha lagu shubto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aagaan

haan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Weel aagaanka ka weyn, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto. 2. Weel weyn oo bir ama shamiinto ka samaysan oo biyaha iyo shidaalka lagu kaydsado.

bukur [m.l] (-rro, m.dh)
Haruubka dhiil ama aagaan yar.

bukur [m.dh] (-ro, m.l)
Dhiil ama aagaan yar oo caanaha lagu shubto.

buro [m.dh] (-ooyin, m.l)
Haan yar; aagaan. ld buray².

dhiil [m.dh] (-lo, m.l)
Weel tolay ah, sidde iyo aabur leh, aagaanta ka yar oo caanaha lagu shubto.

dhufsane ay wadaagaan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-ayaal, ml./m.dh)
Tiro dhufsane u ah laba ama dhowr tiro oo kale. Tusaale ahaan, 100 waa dhufsanaha ay wadagaan 5,25 iyo 50.

dhufsane-yaraha ay wadaagaan [m.l] (-nayaal ..., m.l/dh)
(xis.) Dhufsanayaasha ay wadaagaan laba ama dhawr tiro midka ugu yar waxa la yiraahdaa dhufsane yaraha ay wadaagaan tirooyinkaas. Waxa loo soo gaabiyaa 0 dh.y.w.

hooseeye ay wadaagaan [m.l] (-yayaal ..., m.l/dh)
(xis.) Dhufsanaha ay wadaagaan hooseyeyaasha laba ama dhawr jajab, ama tirada haraa la'aan u qaybsanta hooseeye kasta ee jajabka. Hooseeye yaraha ay wadaagaan waa tirada ugu yar ee ah dhufsane ay wadaagaan hooseyeyaasha jajab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg