y (ya') Xarafka saddex iyo labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga waana shibbane.
yaa (1) Kuma ayaa?, tuma ayaa?
yaa (2) Maxaad tiri? Ku soo celi!
yaa (3) ld baa.
yaa (4) Yaan: markii qurubka diidmada 'aan 2' lagu lifaaqo amar diidmo ayuu muujiyaa. Tus. “Yaanu keenin”.
yaab (1) Amakaag; irkig; abyan; fajac.
yaab (2) 1. Ku yaab/ka yaab: dhacdo qof sameeyey la fajicid. 2. U yaab: wax dhibaato uga baqid (cid). 3. Ka yaab: dhibaato ka baqid (cid). 4. Isla yaab: cid fal ay samaysay ka qoomamayn.
yaabban ld yaabsan.
yaabbanaan ld yaabsanaan.
yaabbanaansho ld yaabsanaan.
yaabi Ka yaabi: cid yaab ku abuurid.
yaabid eeg yaab². ld yaabis².
yaabin eeg yaabi. ld yaabis(1).
yaabis (1) 1. Yaabis ah: aan iidaan (ama goosaar) lahayn (cunto iwm); engegan. 2. ld yaabin.
yaabis (2) ld yaabid.
yaabsan Wax yaab hayo ahaansho (qof). ld yaabban.
yaabsanaan eeg yaabsan. ld yaabbanaan, yaabbanaansho, yaabsanaansho.
yaabsanaansho ld yaabsanaan.
yaac 1. Dad, duunyo ama qalab kala firdhasho. 2. Ka soo y.: furuuruc iwm oo gada dusheeda ka soo bixid.
yaaci Dad, duunyo ama qalab kala firdhin.
yaacid eeg yaac.
yaacin eeg yaaci. ld yaacis.
yaacis ld yaacin.
yaacsan Dad, duunyo ama qalab wax kala firirsan ahaansho.
yaacsanaan eeg yaacsan. ld yaacsanaansho.
yaacsanaansho ld yaacsanaan.
yaadaddo (c.nafl.) Bahal yar oo wax xagta oo leh duf adag iyo qodxo dhaadheer oo mardimo leh, caddaan iyo madow ah; caanaqub; kashiito; dhiddo.
yaahuu Erey laga horgeeyo qof habaartamay. Tus. “Cuqdaa iyo cawradaa cun!”, “Islahel!”.
yaallin eeg Oollin.
yaambo ld yaanbo.
1 2 3 4 5 6 > >>