Ereyga Maanta: hirqad
w  (wa') Xarafka kow iyo labaatanaad ee alifbada af soomaaliga waana shibbane.).
waa1  Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'. waa2  1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid. waa3  1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli; waqti; jeer; goor. waa4  (jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay. waab1  1. Dhis yar oo la harsado. 2. Dhis dadka buka la jiifiyo ama lagu daweeyo. 3. Hoose birta lagu tumo. waab2  Geed, dhisme aan hoos fiican lahayn wax korka kaga dedid. waabaay  ld waabaayo.
waabaayayn  eeg waabaayee.
waabaayaysan  Wax la waabaayeeyey ahaansho.
waabaayaysnaan  eeg waabaayaysan. ld waabaayaysnaansho.
waabaayaysnaansho  ld waabaayaysnaan.
waabaayee  1. Nafley sumayn. 2. Waran, fallaar iwm waabaayo marin.
waabaayo  Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. ld waabaay, waabay².
waabaayoobid  eeg waabaayow.
waabaayow  Dad, xoolo iwm wax waabaayo hayso noqosho.
waaban  Wax la waabay ahaansho.
waabari  Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog. ld waabberi.
waabariisasho  eeg waabariiso. ld waabberiiso.
waabariisii  U w.: inta waagu ka dillaacayo cid ama wax u kaadin. ld waabberiisii.
waabariisiin  eeg waabariisii. ld waabberiisiin.
waabariiso  Wax meel waagu ugu baryid. ld waabberiiso.
waabasho  eeg waabo.
waabay1  Geedka xididkiisa laga sameeyo waabaayada. waabay2  ld waabaayo. waabberi  ld waabari, waabberi, waaberi.
waabberiisasho  ld waabariisasho.
waabberiisii  ld waabariisii.
waabberiisiin  ld waabariisiin.
waabberiiso  ld waabariiso.
page : 1 of 40
1 2 3 4 5 6 > >>