Ereyga Maanta: hirqad
b  (ba') Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
ba  (-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
ba'1  1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'. ba'2  1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay yaalleen ka tirtirmid. ba'an  1. Wax aad u dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad iwm). 2. Wax gardaran ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax aad uga hela ahaansho. Tus. “Warfaa sigaarkuu ku ba'anyahay”. 4. Ku b.: wax, wax aad u yaqaan ahaansho. Tus. “Jaamac xisaabtuu ku ba'anyahay”.
ba'id  ld bi'id.
ba'naan  eeg ba'an. ld ba'naansho.
ba'naansho  ld ba'naan.
ba'san  1. Wax la bi'iyay ahaansho (arrin). 2. Ku b.: wax, wax kale oo foolxumeeya lagu haleeley ahaansho. Tus. “Darbiga dhiigaa ku ba'san”.
ba'sanaan  eeg ba'san. ld ba'sanaansho.
ba'sanaansho  ld ba'sanaan.
baa  Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.
baab  1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tus. “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.
baabaha masiixiga  Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga;boobka.
baabasiir  Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir
baabba'1  1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id baabba'2  1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iwm. oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan. baabba'san  Baabba' ku dhacay ahaansho.
baabba'sanaan  eeg baabba'san. ld baabba'sanaansho.
baabba'sanaansho  ld baabba'sanaan.
baabbaca-caleen  (baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.
baabbacayn  eeg baabbacee. ld baabbacays, baabbaco (2).
baabbacays  ld baabbacayn.
baabbacee  Orod gaaban oo laba addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar la qaadayo sameyn (neef geel).
baabbaco  1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado.
baabbah  1. Noqoshada wax uu eber noqdo. 2. Baabbah ah: weel aan waxba ku jirin. 3. Baabbah ah: meel aan waxba oollin.
baabbe  eeg Aabbe.
baabbi'i  1. Wax ciribtirid. 2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin. 4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay waxyeeleyn.
baabbi'id  eeg baabba'². ld baabba'¹ (3).
baabbi'in  eeg baabbi'i. ld baabbi'is.
page : 1 of 108
1 2 3 4 5 6 > >>