aawo
(m.dh)

Erey aan keligii istaagin in qodob lahaansho lagu daro mooyee, sida: -diis, -deed, -dood iwm oo macnahiisu yahay qof ama wax dartood. Tus. “Cali, Caasha aawadeed ayuu halkan u yimid”. ld aw.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aawo

jaawo [m.dh]
1. ld farjaw. Isku xoqidda suulka iyo farta si ay shanqar u sameeyaan iyadoo nafley loogu baaqayo. 2. Suul-dhabaale la sameeyo marka turub laga yamxeerinayo.

taawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. ld daawe, daawo ¹, taawe. Weel bir ah oo wareegan siddana leh oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. 2. Xayrta geela.

taawo [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
ld taawin.

aw [m.l]
1. Nin cibaadeysta oo aan diinta Islaanka wax badan ka aqoon. 2. Awoowyaashii hore. 3. ld aawo, awo¹.

bilisxaawo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Haween. ld bilisxaawood.

birdaawo [m.dh]
ld birdaawe.

birtaawo [m.dh]
ld birdaawe.

cadaawo [m.dh]
Nacayb iyo colaad qof cid u hayo. ld cadaawad.

daawo [m.l]
ld taawo¹.

aa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
ld baa.

aa [mu.dhm.y]
1. ld Aad. 2. ld aydin.

aa [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu muujiyo xanuunka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg