abaadi
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)

1. (f.g) Baadi goobisteed raajin. 2. (f.mg) Ku a.: wax xaalad gaar ah ku raajin. ld abaadsii.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abaadi

tabaadi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Neef buuran, cayilan, shilis.

abaadid [m.f.dh]
eeg abaad². ld abaad¹.

abaadin [m.f.dh]
eeg abaadi. ld abaadsiin.

abaadsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld abaadi.

abaadsiin [m.dh]
ld abaadin.

cabaadi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka c.: neef geel ah xanuujin si uu cabaad u sameeyo.

cabaadid [m.f.dh]
eeg cabaad². ld caabad¹ (3).

cabaadin [m.f.dh]
eeg cabaadi.

dabaadi [m.l]
1. Xilli, intiisa ugu dambeysa. Tus. “Gu'ga dabaadigiisa baa geelu dhalay”. 2. D. ah: neef had iyo jeer xoolaha gadaashooda socda; haraa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg