abaal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Samo cid loo galo. Tus. “Cali, abaal buu ii galay”. 2. Xasuusta wanaagsan ee la isaga hayo samo la isu galay. Tus. “Xasan, abaal baan u hayaa”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abaal

yabaal [m.l]
1. Dhirta magoolkeeda. 2. ld yabaalid. yabaalid

yabaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Magoolid (geed).

yabaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yabaal². ld yabaal¹ (2). yabaal

nabaal [m.l]
Isku dar kiimikaad oo laga sameeyo bombo wax gubta.

nabsi [m.l]
1. Hoog iyo dhibaato lagu abaal mariyo qof abaaldarnaaday ama ballan furay. 2. Hoog iyo dhibaato uu la kulmo qof eed galay.

qaarxabaal [m.l]
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.

qaarxabaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kukul loogu duugo si loogu daweeyo, xabaalid.

qaarxabaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaarxabaal².

rabaal [m.l] (-llo, m.dh)
Meel taag ah ama kur ah.

sabaal [m.dh] (-llo, m.dh)
Raalligelinta nafley wax lagu raalligeliyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg