abqo
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. ld aqbo, qabco.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abqo

laabqoyan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Qoray iwm oo aan si fiican u engegin ee lidda ka qoyan.

laabqoyan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qori iwm wax aan si fiican u engegin ahaansho.

laabqoyanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laabqoyan². ld laabqoyanaansho.

laabqoyanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld laabqoyanaan.

aqbo [m.dh]
ld abqo.

garabqodo [m.dh]
Nooc ka mid ah xarar lagu sameeyo weelasha wax lagu shubto marka la tolayo; lugdheer; macata.

habqoraxeed [m.l]
Qorraxda iyo meereyaasha waaweyn ee ku dul wareega.

qabco [m.dh]
ld abqo.

qurac [m.l]
Geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax, xabag wanaagsan iyo abqo.

ab [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Awoowyaashii hore oo laga soo jeedo. 2. Abkay ma arag: weligay ma arag.

ab [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
A.kay ma arag: weligay ma arag.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg