aram
(m.dh)Diirdiir yar oo caleenta digirta cunta.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aram ↴
Ururkii Qaramada [m.l]
Urur la sameeyey dagaalkii adduunka ee kowaad kaddib, kasoo loo dhisay horumarinta Iskaashiga caalamiga iyo ka hortagga dagaal, wuxuuna burburiyey dagaalkii II ee Adduunka.
arammi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Xanuun ka dhasha nabar hore oo aan si dhab ah u biskoon; doog(ta).
barambaro [m.dh]
Cayayaan midab bunni ah, geeso dhaadheer iyo lababaal oo khafiif ah oo qolof adag ku hoos jira leh oo ku nool musqulaha iyo meelaha qashinku yaallo. ld baranbaro.
barambarqo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Libaax dheddig; gool.
baramboorri [m.dh]
Neef geel ama lo'ah da'yar, oo buuran.
farammaggaadho [m.dh]
Caro dhawaan; sabirdarro. ld farammaggaarto.
farammaggaarto [m.dh]
ld farammaggaadho.
farammaggooggo [m.dh]
(c.nafl.) Bahal jaadad badan leh oo badda ku nool oo leh jir buufimo yar la moodo iyo siddeed lugood ama gacmood oo dhuudhuuban oo hoos u jeeddada ku leh goobooyin yaryar oo wax ku dhega ama nuuga. ld farammuggo, faraley (1), farabbadan¹.
farammar [m.l]
1. Wax gacanta la geliyo ama lagu duubo marka hawl adag la qabanayo. 2. ld faraggal.
ar [u.j]
ld waryaa.