armaa
(Falkaab | Adverb)

Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; ma laga yaabaa in, billaa. Tus. “Armuu Cali ii imaan doonaa”. ld amaa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh armaa

saa [Falkaab | Adverb]
1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan. armaa, billaa, sida, sow

armaadyo [m.dh]
ld armaajo.

armaajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab qori ama bir ka samaysan oo guryaha iyo xafiisyada la dhigto, leh qaabab kala duwan iyo khaanado dharka, dukumentiga, maacuunta iwm lagu rito. ld armaadyo.

billaa [Falkaab | Adverb]
Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; laga yaabaa in; armaa. Tus. “Billuu keen?”.

darmaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Ubad fardood oo lab. 2. Nin mingis qaba.

darmaan [m.dh] (-no, m.dh)
1. Ubad fardood oo dheddig. 2. Qof dumar ah oo qaba mingis.

dharaarmaal [m.l]
1. Maalidda xoolaha maalin weyn la maalo. 2. D. ah: qof si tuugo ah xoolaha maalintii u maala. 3. ld dharaarmaalid.

dharaarmaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Xoolo maalin weyn lisid. 2. Xoolo si tuugannimo ah maalin u maalid.

dharaarmaalid [m.f.dh]
eeg dharaarmaal². ld dharaarmaal¹ (3).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg