aroos
(m.l) (-syo, m.dh)1. ld aroosid. Ciyaaro iyo damaashaad loo sameeyo laba qof oo isguursaday. 2. Toddabada beri ee ugu horreysa aqal-galka. 3. A. ah: qof ku jira toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkiisa.
aroos
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-say, -stay)1. (f.g) Laba qof oo isguursaday xaflad iyo damaashaad samayn. 2. (f.mg) Nin, naag guursasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aroos ↴
yabar [m.dh]
Xoolaha ugu horreeya oo la siiyo arooska.
gaaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.
xaflad [m.dh] (-do, m.l)
1. Isu-imaadka dad badani meel isugu yimaado iyagoo xusaya munaasabad muhiim ah. 2. Fantasiyaha loo sameeyo aroos iwm.
agliil [m.dh] (-lo, m.dh)
Cuntada la siiyo arooska toddobada beri ee ugu horreysa.
alma-almay [m.dh]
Cucub ama lucbad ay ilmuhu ku cayaaraan oo qaab aroosad leh.
aqalgal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
Laba qof oo isguursaday markii ugu horraysay si rasmi ah guri u wada gelid. ld aroosgal².
aqalgeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld aroosi.
aqalgelid [m.f.dh]
eeg aqalgal². ld aqalgal¹, aroosgal¹, aroosgelid.
aqalgelin [m.dh]
ld aroosin.