aroosad
(m.dh)Haweenay ku jirta toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkeeda. ld caruusad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aroosad ↴
alma-almay [m.dh]
Cucub ama lucbad ay ilmuhu ku cayaaraan oo qaab aroosad leh.
caruusad [m.dh]
ld aroosad.
aroos [m.l] (-syo, m.dh)
1. ld aroosid. Ciyaaro iyo damaashaad loo sameeyo laba qof oo isguursaday. 2. Toddabada beri ee ugu horreysa aqal-galka. 3. A. ah: qof ku jira toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkiisa.
aroos [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-say, -stay)
1. (f.g) Laba qof oo isguursaday xaflad iyo damaashaad samayn. 2. (f.mg) Nin, naag guursasho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg