askari
(m.l)(askar, m.dh; askaro, m.l) 1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable. 2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaba ha lahaado). ld askar, caskari.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh askari ↴
askar [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
ld askari.
askaree [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
1. (f.g) Askari ka dhigid (qof). 2. (f.mg) Askari iska dhigid.
askarinnimo [m.dh]
ld askarnimo.
askarmaroodi [m.l]
1. Qof aan ahayn shaqaale rasmi ah oo mararka qaarkood uu adeege ka yahay isbitaal, xero militari iwm. 2. Qof askari ahaan loo adeegsan jiray mararka qaarkood miyiga wax ka qaban jiray.
askarnimo [m.dh]
Askari ahaansho. ld askarinnimo, caskarinnimo, caskarnimo.
caskari [m.l]
ld askari.
caskarinnimo [m.dh]
ld askarnimo.
fardooley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(taar.) Qarniyadii dhexe waxaa loo yiqiin askari, badanaa ka dhasha dabaqadda sare, una shaqeeya boqorka ama taliya waqtiyada dagaalka.
kormeere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Qof ay hawshiisu tahay inuu wax soo kormeero. 2. Askari darajadiisu ka korreysa saddex alifle kana hooseysa xiddigle.