askun
(m.l)

ld askumid.

askun
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-umay, -untay; -umi)

1. (f.g) Bilaabmid; dhalasho. 2. (f.mg) Ka soo a.: ka billaabmid; ka dhalasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh askun

askumid [m.f.dh]
eeg askun². ld askun¹.

dabeyl-kulul [m.dh] (-lo ..., m.l)
(juqr.) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.

mansuun [m.l] (-no, m.dh)
(juqr.) Eray ka soo askunmay kelmadda carabiga ah ee “mawsim” macnaheeduna yahay “xilli”, carabta ayaana u isticmaasha dabaylo, xilliyeedka ka dhaca Badda Carbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah ka soo dhaca dhanka koonfurta galbeed (KG), lix biloodna ka soo dhaca dhanka woqooyi bari (WB). Imminka guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha a bannaanka, maxaa yeelay Bariga Aasiya waxay gaaraan ilaa 60 ee woqooyi.

shiilcad [m.l]
(jool.) Dhagax dhadhaab dhalan rogan ah, iniinyaha uu ka koobanyahana ay roo-roon yihiin, wuxuuna ka soo askunmay dhagax buuradeed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg