awoowe
(m.l) (-wayaal, m.l/dh)

1. Aabbaha aabbihiis ama hooyada aabbaheed. 2. u.j: awoowow! 3. u.j: wiilka aan awoowaha u ahayow!; gabadha aan awoowaha u ahayey! ld awow.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh awoowe

aabbayaal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. eeg aabbe. 2. Awooweyaashii hore. ld aabbeyaal aabbeyaal

abkow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Awoowe. 2. Awoowe aabbihiis; abuullan.

awow [m.l]
ld awoowe.

duriyad [m.l] (-do, m.l)
Qofka ama noolaha kale ee leh awoowe, ayeeyo, ama awoowe awoowihiisa.

sinji [m.l]
1. Aslalkii hore ee laga soo jeeday. 2. Dabci awooweyaasha laga dhaxlo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg