axad
(m.l)

Qof; ruux.

axad
(m.dh)

Maalmaha toddobaadka mid ka mid ah oo u dhexeeysa sabtida iyo isniinta.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh axad

axadeysasho [m.f.dh]
eeg axadeyso.

axadeysi [m.l]
Durraamo yar oo ay haweenku sameeyaan.

axadeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Haween axadeysi sameyn.

axadh [m.l]
1. Cuntada dhadhankeeda la jeclaysto. 2. Hadalka nuxurkiisa dib loo sii dhadhansado.

axadh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xdhay, -xadhay)
Arrin si aad ah u lafagurid.

axadhid [m.f.dh]
eeg axadh².

baaxad [m.dh]
Ballac.

baaxadsoore [m.l] (-rayaal m.l/dh)
Meesha baaxadda bartankeeda ah; wax fidsan oo ballaaran wadaagihiisa; dhex; bartame.

ax [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu muujiyo xannuunka ama xaqiraad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg