axal
(m.l)

Xilliyada dayrta mid ka ah oo u dhexeysa ximirka iyo xayska.

axal
(m.dh) (-llo, m.l)

Hoore adag oo is-haysta oo sida badan ka yimaadda mindhicirrada marka ay jirradaan ama xubnaha taranka waqtiga dhalmada.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh axal

dabadhiig [m.l]
Calool xanuun halis ah, casiraad leh, shuban yar oo dhiig iyo axalo isugu jira oo dadka iyo xoolaha ku dhaca.

daxal [m.l]
Dheeh cillaan guduud ah oo birta iyo xadiid-sulubka ku dul samaysma marka ay biyuhu la falgalaan maaddadooda; mirir.

daxalaysad [m.l]
ld daxalaysasho.

daxalaysasho [m.f.dh]
eeg daxalayso. ld daxalaysad, daxalaysi.

daxalaysi [m.l]
ld daxalaysasho.

daxalayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Bir ama xadiid-sulub, daxal yeelasho.

dhaxal [m.l]
1. Hantida qof dhintay looga haro. 2. Raad ay ilmuhu ka raacaan waalidintooda.

dhaxal [m.l]
1. (qaan.) Hanti ama lacag aad ka heshay qof dhintay, sababta waad lahaatay. 2. (taar.) Dhacdo taariikheed reebtana taariikh.

ax [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu muujiyo xannuunka ama xaqiraad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg