ayaan
(m.l)

Awood qarsoon oo qofka la socota dhalashada ilaa dhimashada qofka, sababna u noqota xumo iyo samo waxa uu la kulmayo; nasiib; hoodo.

ayaan
(m.dh) (-aamo, m.l)

Dharaar iyo habeenkeed; maalin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ayaan

taada [dk.lh.dh] (-taada)
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “buugaagtaada ayaan ka dhax helay warqaddan”. ld taa³. taa

laayaan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-nno, m.dh)
L. ah: nafley, nafleyda kale si naxariisdarro ah u waxyeeleysa.

oo [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Xiriiriye loo adeegsado in laysku xiro labo weer tabineed oo abyoon. Tus. “Cali waa nin wanaagsan oo deeqsi ah”, “Cali oo Xamar joogay ayaan la kulmay, adoo harsan waayay ma laguu soo harsaday?” 2. (nax.) Xiriiriye isku xira laba fal oo isku mar la qabtay.

aamminsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof, wax cid aammin ku qaba ahaansho. 2. Qof, wax rumaysan jirista Eebbe iyo diimaha ahaansho. Tus. “Diinta Islaamka ayaan aamminsanahay”.

aan [mu.dhm.y]
1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tus. “Meel aan ku nasto ayaan doonayaa” 2. ld aannu.

aqoo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3]
(yaqaan, taqaan; yiqiin, tiqiin/aqooday, aqootay) Wax hore loo kasayey muddo dambe dib u garasho. Tus. “Hashi iga luntay ayaan geel ka aqooday”.

aw-daare [m.l]
Ciyaar leh sida mingiska, rooxaan dadka ku soo degta; degaanka webiyada ayaana laga yaqaanaa; mokhoddon; gunjis.

ayaamo [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
1. Duulal la rumaysanyahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg