ayax
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

(c.nafl.) Cayayaan yaryar, oo baalal iyo lix lugood oo labada dambe ka dhaadheeryihiin kana xoog badanyihiin kuwa kale leh, koox koox aad u badan isu raaca oo dhirta iyo dalaggaba waxyeeleeya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ayax

maalin dayaxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.

aayaxumaan [m.f.dh]
eeg aayaxun. ld aayaxumaansho, aayaxumi, aayaxumo.

aayaxumaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld aayaxumaan.

aayaxumi [m.dh]
ld aayaxumaan.

aayaxumo [m.dh]
ld aayaxumaan.

aayaxun [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-umaa, -umayd)
Cid aan aayo ficnayn ahaansho.

abbaayguddoy [m.dh] (-ooyin, m.l)
Cayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. ld ayeeyo-lugdheer; abooto-idabbadis.

baalquraanle [m.l]
Nooc ka mid ah ayaxa oo baalal guduudan oo xardhan leh.

bayaxaw [m.dh]
1. Xiddigta u dhexeysa garbo iyo gudban. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Qof ama xoolo falxad ah.

ay [m.dh]
1. Meel geedo badan leh; hawd. 2. Meel cidla ah oo aan la degganayn.

ay [m.dh]
(bot.) Eray badanaa lagu isticmaalo dalalka Ustaraaliya, Niyuusilaand iyo Maraykanka oo lagu isticmaalo gobol ay daboosho jidhi; amase, waxaa lagu isticmaalaa gobol dhiraysan oo aan loo bannayn qodaal. Waxaa kaloo si dabacsan loogu isticmaalaa gobol kasta oo dugag ah oo aan loogu talaggelin qodaal.

ay [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1]
(aayay, ayday) U a.: wax hore loo sameeyey waqti dambe ka faa'ideysasho.

ay [mu.dhm.y]
Magacuyaal yeele oo matala “iyada” ama “iyaga”. Tus. “Maryan Wiil ay tiqiin ayay maanta suuqa ku aragtay”, “Wiilashu guri ay degganaayeen ayay aadeen”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg