ayeeyo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Hooyadaa hooyadeed ama aabbaha hooyadiis. 2. u.j: ayeeyooy! 3. U.j: wiilka aan ayeeyada u ahayow!; gabadha aan ayeeyada u ahayey.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ayeeyo

abbaayguddoy [m.dh] (-ooyin, m.l)
Cayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. ld ayeeyo-lugdheer; abooto-idabbadis.

abooto [m.dh] (-ooyin, m.l)
Hooyada hooyadeed ama aabaha hooyadii; ayeeyo, macooyo.

ayeeyolugadheer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
ld ayeeyolugdheer.

ayeeyolugdheer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(c.nafl.) Cayayaan leh jir dhuuban oo dheer, lix lugood oo labada hore madaxa u dhowdahay iyo baalal uu ku duulo oo cuno cayayaanka kale ee yaryar. ld ayeeyolugadheer.

duriyad [m.l] (-do, m.l)
Qofka ama noolaha kale ee leh awoowe, ayeeyo, ama awoowe awoowihiisa.

macooyo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Abooto, ayeeyo. ld mocooyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg