ayodhiin
(m.l)

(daaw.) Maaddo kiimikaad oo jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah, inta badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee taayroodka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ayodhiin

aayodhiin [m.l]
(kiim.) Curiye adke ah oo bida midabkiisuna yahay buluug madow kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg