badeecad
(m.dh) (-do, m.l)

1. ld badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh badeecad

taariifo [m.dh]
Qaymaha badeecadda loo gooyo oo lagu gado.

badeeco [m.dh] (-ooyin, m.l)
ld badeecad (1).

jeeble [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Ganacsade yar oo badeecada la wareega. 2. Qof sigaarka ku gada bannaanka.

kastan [m.l] (-ammo, m.dh)
Xafiis lagu canshuuro badeecadaha dibadda loo dhoofiyo iyo kuwa laga keensanayaba.

qiimabbarar [m.l]
Kor u kicidda qiimaha badeecada; sicirbarar.

qiimadhac [m.l]
(dhaq.) Hoos u dhicidda qiimaha badeecadda.

qiime [m.l]
1. Sicirka ay joogto badeecadi. 2. Waxtarka nafley ama wax kale ay leeyihiin. ld qayme, qiimad, qiimo.

qiimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
1. Nalfey, badeecad iwm qiimahooda sheegid. 2. Cid sharfid. ld qaymee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg