caac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday)Nafley, roob badan dhaxan leh ku qarqarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caac ↴
caaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo.
caacid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caac. caac
caacin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caaci. caaci
bacaac [m.dh]
1. Qalaad. 2. B. ah: qof nacas ah.
geelcaacis [m.dh]
Farabbadan; dhurtaxany.
goocaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Meel dan la'aan u yuururid.
goocaacid [m.f.dh]
eeg goocaac.
lamaddegaan [m.l] (-nno, m.dh)
(juqr.) Dhul aan deegaani ka bixin oo roobka iyo qoyaanka kaleba ku yaryihiin oo aan qoyaanku si fiican u kaalmayn deegaanta lamaddegaan aan haba yaraatee deegaani ka bixin, ma aha caadi. Waxaa laga yaabaa in lamaddegaanku yahay mid uu caws aad u liitaa ka baxo ama dhir aad u liidataa. Waxaa jira lamaddegaanno dhawr nooc ah sida: lamaddegaan dhadhaabeed, lamaddegaan dhagaxeed, iyo lamaddegaan bacaadeed. Lamaddegaannada waxaa loo qaybiyaa labo nooc: lamaddegaannada kulaalayda iyo kuwa loolalka dhexe. Kawa kulaaleyda waxaa ugu caacsan tan Sahaara iyo tan Areebiya. Kuwe loolka dhexena waxaa ugu caansan midda Goobi iyo midda Turkistan.
shucaac [m.l]
1. Iftiinka qorraxda. 2. Tamarta ka dhalata mataataxa ku dhaca walxaha qaarkood, sida yuraaniyanka iwm.