caafimaad
(m.l)Cudur iyo jirro la'aan.
caafimaad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)Cudur, jirro iwm ka bogsasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caafimaad ↴
caafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid caafimaad siin (Eebbe).
caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.
caafimaaddarro [m.dh]
Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay.
caafimaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley caafimaad siin (Ilaah).
caafimaadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caafimaad². caafimaad
caafimaadin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caafimaadi. caafimaadi
caafimaadqab [m.l]
Xaalad caafimaad leh oo nafley ku sugnaato. ld caafimaadqabid. caafimaadqabid
caafimaadqab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Xaalad cafimaad ku sugnaan.