caajis
(m.l) (-siin/-syo, m.dh)

1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. ld cajis¹. cajis

caajis
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-say, -stay)

Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. ld cajis². cajis

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caajis

caajisad [m.dh] (-do, m.l)
Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. ld cajisad. cajisad

caajisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Qof caajis ah noqosho. ld cajisan. cajisan

caajisi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof cajis ka dhigid. ld cajisi. cajisi

caajisid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caajis². ld cajisid. caajis, cajisid

caajisin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caajisi. ld cajisin. caajisi, cajisin

caajisnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caajisan. ld caajisnaansho, cajisnaan, cajisnaansho. caajisan, caajisnaansho, cajisnaan, cajisnaansho

caajisnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld caajisnaan. caajisnaan

caajisnimo [m.dh]
Caajis ahaansho. ld cajisnimo. cajisnimo

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg