caar
(m.l)

1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.

caar
(m.l) (-rar, m.l)

Xubinta taranka ee ratiga.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caar

saabcaarayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saabcaaree. saabcaaree

saabcaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax qaabka xuubka caarada leh samayn.

saabcaaro [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.

tadcaar [m.dh] (-rro, m.dh)
ld tacdaar¹.

tadcaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
ld tacdaar².

tadcaarasho [m.dh]
ld tacdaarasho.

tadcaarid [m.dh]
ld tacdaarid.

tadcaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
ld tacdaaro.

wacaari [m.dh]
Geed aan qodax lahayn oo leh mayrax iyo asal iyo miro la cuno. ld wacanri.

xajiin [m.dh]
Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iwm); cadanyo; caaro. ld xajiimo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg