caaro
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caaro

saabcaaro [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.

tadcaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
ld tacdaaro.

xajiin [m.dh]
Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iwm); cadanyo; caaro. ld xajiimo.

caaroo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
ld caarow.

caaroobid [m.f.dh]
eeg caarow. ld caarood.

caarood [m.l]
ld caaroobid.

caarood [m.l]
(daaw.) Kahsi muddo gaaban ama muddo dheer oo jirku yeelanayo barbarar wareegsan maqaarka korkiisa cabbirkooduna kala waaweynyahay, cuncun badanna wuu leeyahay; saacado ama ayaamo ayuu jiri karaa.

caarooti [m.l]
1. Cir cusub oo daruurihiisa biya ka buuxaan. 2. Meseggo, galley iwm oo sabuul saartay. 3. ld caarootiyid.

caarooti [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Biyo meel ku faafid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg