cabbirid
(m.f.dh)

eeg cabbir². ld cabbiris.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cabbirid

baaci [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (iyay, -isay)
1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.

taakee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -keysay)
1. Wax taako ku cabbirid. 2. Wax taako u dhigid. ld taaki.

tacabbirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tacabbir.

waari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Waar ku cabbirid. 2. Wax waaro ka dhigid.

buldi [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -isay; -iyi)
Biyo bad, webi iwm qotodooda cabbirid.

cabbiris [m.dh]
ld cabbirid.

curcuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dhudhun wax ku cabbirid.

dhudhumi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dhudhun ku cabbirid.

joometeri [m.l]
(xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto adkeyaal, dulo, xarriiqyo, xoodad, iyo baro ku yaalla dulalaati. Tusaale ahaan joometeriga waxa ay la xiriirtaa cabbiridda iyo xisaabinta xagallo u dhexeeya xarriiqyo toosan, astaamaha asaasiga u ah goobooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya xarriiqyo iyo baro ku yaalla sallax.

cabbir [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qiyaas lagu heshiiyey oo caddeyneysa wax dhererkiisa, muuqiisa iwm. 2. Habka loo qiyaaso dherer, mug, culays iwm. 3. Qalab lagu cabbiro wax dhererkiisa, culayskiisa, muggiisa iwm.

cabbir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax dhererkiisa xisaabid; culayskiisa miisaamid; muggiisa beegid. 2. Fikrad iwm sheegid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg