cabiid
(m.l)

(cabiid, m.dh) Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. ld cabid¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cabiid ↴

addoon [m.l] (-oommo, m.dh)
Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde.

bidde [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Nin la leeyahay, aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoon; cabiid.

cabid [m.l]
ld cabiid.

cabiidnimo [m.dh]
Cabiid ahaansho.

cabiidsad [m.l]
ld cabiidsasho.

cabiidsamid [m.f.dh]
eeg cabiidsan.

cabiidsan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay, -ami)
Addoon noqosho.

cabiidsasho [m.f.dh]
eeg cabiidso. ld cabiidsad, cabiidsi.

cabiidsi [m.l]
ld cabiidsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg