caddee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-deeyay, -daysay)

1. Wax caddaan ka dhigid. 2. Arrin la qarinayey soo bandhigid. 3. Shaah caano ku darid. 4. Neegatiif kiimiko ku meyrid si muuqaal uu xambaarsanaa warqad loogu soo saaro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caddee

naakirad [m.dh] (-do, m.l)
Naag sharcigu caddeeyay in ay ninkeeda caasi ku noqotay oo aan nin kale guursan karin. ld naakiro, naashiddo, naashiso, naashuusho.

bakooro [m.dh]
1. ld bokooro. Cudur indhaha ku dhaca oo baqbaq u yeela. 2. ld bokooro. Cudur isha birteeda ku dhaca oo caddeeya. 3. ld baqoorad.

baras [m.l]
Cudur cuncun leh, oogada dadka ku dhaca oo caddeeya. ld barras.

barraaqdo [m.dh]
Cudur bushimaha ku dhaca oo caddeeya; biijo.

biijo [m.dh]
Cudur bushimaha ku dhaco oo caddeeyo; barraaqdo; dhaleeco.

cadcaddee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Roob da'ay biyo aan badnayn oo aan rays fiican yeelan karin dhigid.

caddayn [m.f.dh]
eeg caddee. ld caddays (3).

caddays [m.l]
1. Shaah caano yar lagu daray. 2. In yar oo caano ah oo loogu talaggalay in shaah lagu caddeeyo. 3. ld caddayn.

caddaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Wax la caddeeyey ahaansho. 2. Wax caano lagu daray ahaansho (shaah).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg