cadh
(m.dh)

Dhibco-dhibcaha ka soo horreeya daruur markaas di'id bilaabaysa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cadh

haaruf [m.dh]
Nabarrada ay cadhada iwm ay oogada ku reebaan.

cadhayn [m.f.dh]
eeg cadhee.

cadhee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-dheeyay, -dhaysay)
1. Cadho ku daarasho. 2. Dhaliicayn.

cadho [m.dh]
Cudur nabarro iyo cuncun badan oo lays qaadsiyo.

cadho [m.dh]
(daaw.) Caallir maqaarka oo uu keeno “sarcoptes scabiei”. Cadhadu waxay caan ku tahay cuncun badan weliba habeenkii, finan cascas, iyo aalaba caallir kale oo ka dul taga dhiigga. Deriskunoolka waxay dhex jeexdaa maqaarka ukumaheedana ku daadisaa, yaryarka ukunta ka soo baxana si sahlan ayey qofka kale u raaci karaan.

cadhoobid [m.f.dh]
eeg cadhow.

cadhow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax cadho ku dhacday noqosho.

deebi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn.

dhay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yay, -yday; -yi)
1. Nafley cadho qabto daweyn. 2. Boog iwm daawo marin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg