cadho
(m.dh)Cudur nabarro iyo cuncun badan oo lays qaadsiyo.
cadho
(m.dh)(daaw.) Caallir maqaarka oo uu keeno “sarcoptes scabiei”. Cadhadu waxay caan ku tahay cuncun badan weliba habeenkii, finan cascas, iyo aalaba caallir kale oo ka dul taga dhiigga. Deriskunoolka waxay dhex jeexdaa maqaarka ukumaheedana ku daadisaa, yaryarka ukunta ka soo baxana si sahlan ayey qofka kale u raaci karaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cadho ↴
cadhee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-dheeyay, -dhaysay)
1. Cadho ku daarasho. 2. Dhaliicayn.
cadhoobid [m.f.dh]
eeg cadhow.
cadhow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax cadho ku dhacday noqosho.
dhay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yay, -yday; -yi)
1. Nafley cadho qabto daweyn. 2. Boog iwm daawo marin.
golos [m.f.kh]
1. Nin dheer oo toosan. 2. G. ah: neef geel ah oo cadho korkiisa ku dhan tahay.
jarcee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-ceeyay, -caysay)
1. (f.g) Xoolo cadho qaba jarco gelin. 2. (f.g) Aqal laama ku dedid. 3. (f.mg) Qabow, baqdin ama xummad la gariirid.
moordow [Magac Lab | Noun Masculine]
Aad u cadhoobidda xooluhu cadhoobaan. ld moordoobid.
moordow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Xoolo aad u cadhoobid.
cad [m.l] (-dad, m.l)
1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iwm ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
cad [m.l]
1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
cad [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-ddaa, -ddayd; -cadcad)
1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa.