calaacal
(m.l)1. ld calaancal 1. Hadal beerlaxawsi leh oo lagu muujinayo dhibaato dhacday oo taakulayn u baahan. 2. ld calaacalid.
calaacal
(m.dh) (-lo, m.l)Gacanta dadka inteeda hoose ee cad; baabbaco; sacab.
calaacal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-alay, -ashay)Ka c.: cid dhibaato ku dhacday, erayo beerlaxawsi leh cid kale u jeedin. ld calaancal².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh calaacal ↴
baabbaco [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab.
2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu
labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba
mar qaado. baabbacayn, calaacal, sacab
cabaad [m.l]
1. Dhawaaq dheer oo geelu sameeyo marka la xanuujiyo. 2. Calaacal, cataw (qof). 3. ld cabaadid.
cabaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Neef geel ah oo la xanujin si uu cabaad u sameeyo. 2. Calaacalid, catawid (qof).
cabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
Erayo calaacal ah dhihid.
calaacalid [m.f.dh]
eeg calaacal³. ld calaacal¹, calaancal¹, calaancalid.
calaancal [m.l]
ld calaacal¹.
calaancal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
ld calaacal³.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg