calali
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Cunto, meyrax iwm gowsaha ku jilcin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh calali

raabso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Xoolo wax calalin; baryaqaadid. 2. Dad wax calalin. ld raamso. baryaqaadid

bashuuqso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax jilicsan oo afka laga buuxsaday calalin.

calalin [m.f.dh]
eeg calali. ld calalis (2).

calalis [m.l]
1. Cuntada inteeda la calashado. 2. ld calalin.

calannaqsi [m.l]
Soo celinta iyo calalinta ay xooluhu ku sameeyaan cuntada calooshooda ku jirta. ld calannaqsasho.

calaqaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Wax calalin; raamsi.

carrab [m.l] (-bo/-byo, m.dh)
1. Xubin jilicsan oo ku jirta afka nafleyda oo qaabbilsan dhadhanka, calaliska, liqida iyo kala soocidda hadalka. 2. C. ku dhufasho: carrabbaabid. 3. C. macaan: hadal macaan.

daandheero [m.dh]
Cudur geela ku dhaca oo ka dhasha ilig si xad dhaaf ah u dheeraada oo uu neefku calaliska ku dhibtoodo.

gowsdheero [m.dh]
Gows inta debca wax yar kor u soo baxa oo dabadeed wax lala calalin waayo: takhtar yaqaan oo baxsha haddaan loo helin xooluhu waa ku dhibtoodaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg