canab
(m.l)

1. Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo. 2. Miraha geedkaas dhala. 3. C. ah: kuul mirahaas u eg. ld cinab.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh canab

carmo [m.dh]
Geed laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo dhala miro kuwa canabka u eg.

cinab [m.l]
ld canab.

istaafilokookaas [m.l] (-syo, m.dh)
(baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiriyada ee garaambositiifka ah. Wuxu leeyahay qaab wareeg oo isugu urura xirmooyin laamaha canabka u eg. Noocyo ka mid ah cudur ma keenaan qaarna waa deris ku nool. Noocyo badanna waxay soo daayaan sun.

sabiib [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Miro canab oo la qallajiyey. ld sibiib.

shucub [m.l] (-bbo, m.dh)
1. Dun, mayrax iwm oo wax lagu qurxiyo. 2. Cutub ubax ama miro ah oo isku meel ka soo baxay, sida miraha canabka. 3. Toorrey daabkeeda inta sare ee maartu ku jirto.

can [m.l]
(caman, m.l) Labada cad ee hilibka ah oo ku yaal wejiga labadiisa dhinac midkood, waxay u dhexeeyaan isha iyo qalka hoose, ama sanka iyo dhegta.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg