caqli
(m.l) (-iyo/cuquul, m.dh)Awood binu'aadanka u gaar ah oo ay wax ku kala gartaan; garaad. ld aqli.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caqli ↴
naabnaab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Qof, wax shiddo badan oo caqli yar noqosho. 2. Qof faqri daran la kulmid. 3. Ku n.: si foolxun oo ka fuqid lahayn ugu dhegid u qabsasho. ld naannaab². naannaab
maahi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax maahsan ka dhigid; is m.: qof caqligiisu maqanyahay iska dhigid; is khaafin.
maangaab [m.l]
Qof caqli iyo garaad yar.
maangaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Qof wax caqli yar ahaansho.
maangad [m.l]
Arrin adag oo caqliga ka weyn.
maangad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Arrin adag oo caqliga ka weyn la kulmid.
maangal [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: hadal caqligu oggolyahay, caqliggal, suurtaggal.
maangalnimo [m.dh]
(fals.) Aragti falsafadeed oo amminsan in maanku ama caqligu uu yahay shuruudda ugu muhimsan wax garasho kasta.
maanlaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
Nin aan caqli badan lahayn.
maanlaay [m.dh]
Haweenay an caqli badnayn.
caq [m.dh]
ld aq.