caraf
(m.dh)Ur udgoon oo la jeclaysto.
caraf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rfay, -raftay; -rfi)Ur carfoon soo udgid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caraf ↴
aaladee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn.
4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid.
udgi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax caraf u yeelid. ld udgoonee. udgoonee
jaawe [m.l]
Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. ld jaawi¹.
udug [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-dgay, -dugtay)
Wax caraf la jeclaysto yeelasho.
carafudayd [m.l]
ld carafududaan.
carafudud [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-daa, -dayd)
Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho.
carafududaan [m.f.dh]
eeg carafudud. ld carafudayd, carafududaansho.
carafududaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld carafududaan.
car [m.l]
1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iwm oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir.
car [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Car noqosho. ld cartan².