carar
(m.l)1. ld cararid. Orod baqdin leh. 2. Dhiin meyraxda dhirta qaarkeed laga sameeyo oo wax lagu aslo; asal; aglool.
carar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)Orod baqdin ku jirto ordid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh carar ↴
haad-kacarar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
H. ah: qof fulay ah. ld haad-karoor. haad-karoor, fulay
baacso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax cararaya ceyrsasho.
baadicarar [m.l]
Neef baadi ah oo reerihii uu la joogay ka carara.
gaaggax [m.l]
1. Marka neef godlani wax gansado (qoonsado) oo caanuhu ku cararaan; godolnaqsi. 2. ld gaaggixid. gaaggixid
laaji [m.l] (-iyo/-i'in, m.dh)
Qof waddankiisii ka cararay oo waddan kale jooga.
raadqaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Raad baarid, raadraacid. 2. Qof sixirid si uu meesha uu ku nool yahay uga cararo. ld raadgan.
saangan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gamay, -gantay; -gmi)
Qof sixir uu kaga cararo meel uu joogay ku samayn.
waalo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aashay, -aalatay)
1. Wax waalan noqosho. 2. Ka w.: meel cabsi awgeed uga cararid.
afgobaadso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Hadal macaan oo hufan oo eed ka carar darteeda keliya u dhihid. 2. Si asluub leh arrin uga xogwarramid (qof).
baqacarar [m.l]
Orod dheer oo ay nafleydu sameeyso baqdin awgeed. ld baqacararid.
car [m.l]
1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iwm oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir.
car [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Car noqosho. ld cartan².