caro
(m.dh)Dareen qofka ku dhasha oo shucuurtiisa kiciya marka xumaan ama qadaf lagu sameeyo.
caro
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-rtay, -ratay)Caro gelid; xanaaqid; camashood.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caro ↴
nacalad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Caro Eebbe cid caasidey ku dhicid. 2. Cid cay iyo eedayn u jeedin. ld lacanad², lacnad², nacallad², nacdal².
udullub [m.l]
Socod cagajiid ah oo ay sameeyaan dad jirro, caro iwm hayso.
udullub [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Qof jirro, caro iwm la cagajiidid.
umashoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Qof dareema caro ciilqab ah noqosho. ld umal².
yooyootan [m.l]
1. Cayaar sii baabba'aysa oo wiilal iyo gabdho laysu caayo, cay kaftan ah oo aan laga caroon: mirihiisu, suugaan ahaanta aad bay u fiicanyihiin haseyeeshee cayda xun oo uu ku dhisanyahay baa dishay. 2. ld yooyootamid.
bacaroor [m.dh]
Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.
baxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax kulansaday qurux, wanaag caqli dheeraad ah ahaansho (qof). 2. Wax is hanashadii ay khamro, caro, fikir dheer iwm ay ka lumisay ahaansho (qof). 3. Kala b.: derin iwm wax fidsan ahaansho.
baxsanaan [m.dh]
(daaw.) Xaalad maskaxeed lagu yaqaan farxad aan caadi ahayn iyo firfircoon oo caadiga ka baxsan, fahmo aad u kacsan oo si dhakhso ah ugu beddelanta caro dhawaansho.
biriir [m.dh]
1. Gaashi weyn, cad oo ku taal neef lo'ah oo midab aan caddaan ahayn leh. 2. Caro ama naxdin laga dareemo qofka wejigiisa. ld bariir.
burladduul [m.l]
Nin caro dhaw, dagaal badan oo aan uurkuqaad lahayn.