carruuree
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-reeyay, -raysay)1. Cid in ay sida carruurta u dhaqanta ku kallifid. 2. Is c.: carruur iska dhigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh carruuree ↴
caddallool [m.l]
Ciyaar carruureed ilmuhu qoray la tuurayo ay ku ciyaaraan habeenkii iyaga oo labo labo koox isagasoo horjeeda.
carruurayn [m.f.dh]
eeg carruuree.
faraggorgor [m.l]
1. Ciyaar carruureed. 2. Fiidda geeduhu ka fufaan. 3. Faraggirgir.
fargan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qori yar, farraaro leh oo labadiisa farraar isugu xiranyihiin cijir laga gamo quruurux, fud iwm; farlaash. 2. Ciyaar carruureed.
finiin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Cadad yaryar oo meeshi ay ku dhegganaayeen xoog iyo dhaqso uga soo fuqay, ama uga soo ganmay. 2. Ciyaar carruureed ah dhaqxaan yaryar oo faraha lagu gamayo. ld faniin¹.
qorituur [m.l]
1. Ciyaar carruureed inta indhaha la is qabto qori la tuuro kaddibna la raadsho. 2. Baqtiyaanasiib lagu kala helo wax dad ka dhexeeyo.
seemman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Ari ama lo'wax aan geeso lahayn ahaansho. 2. Madax wax timaha laga xiiray ahaansho. 3. Cayaar carruureed qof, wax la taabtay ahaansho.
seen [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eemay, -eentay; -eemi)
1. Cayaar carruureed qof, wax la taabtay noqosho. 2. Madax, wax timaha laga xiiray noqosho. 3. Dhir laamaheeda la simay ahaansho.
shacdur [m.l]
Cayaar carruureed carruurtu miro kariiri ay ku dhaqaystaan oo ulo af dhuuban leh.
carruur [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dhasha dadka; ilmo; ubad.