case
(m.l)

1. Dhagax weyn, guduudan oo guryaha lagu dhisto. 2. Ciyaarta delebka marka afarta qori ee lagu ciyaarayo ay caloolacaddeeyaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh case

kaadicaso [m.dh]
1. Cudur lo'da ku dhaca oo shilintu keento midabka kaadiduna guduud ka dhiga. 2. Cudur kelyaha dadka ku dhaca oo kaadida caseeya.

casayn [m.f.dh]
eeg casee.

casee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -saysay)
1. Wax midab cas u yeeelid. 2. Kabo buraash marin. 3. Qof xisaab socota leh, deyn muddo gaaban siin (banki).

caseelli [m.l]
ld caseewi.

caseewi [m.dh]
Nooc timirta ka mid ah, lafa yaryar oo guduud xigeen ah. ld caseelli.

caseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof shaqadiisu tahay kabaha in uu buraasheeyo.

dabacase [m.l]
Geed nagaar khudaarta la cuno ka mid ah, oo caleen ballaaran iyo buruq dhuuban oo dhulka ku xabaalan leh; karooto.

foodcase [m.l]
Geed ubax cas leh oo geela iyo ariguba daaqiisa jecelyihiin.

indhacaseeye [m.l]
(daaw.) Cudur dadka ku dhaca oo casaan ka dhiga midabka indhaha.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg