cawl
(m.l)

1. Midab casaan xigeen ah. 2. Cawsha keeda lab.

cawl
(m.dh)

1. Ugaarta waaweyn jaad ka mid ah, leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga ka cad; cawlo. 2. Cawl dhaddig ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cawl

uuro [m.dh]
1. Boor ama qiiq madow oo kacsan. 2. Biyo dhoobo ku qasantahay oo aad u calawsan. 3. Midab xooluhu yeeshaan oo madow, guduud iyo cawl isugu dhafan.

aboor [m.l]
Cayayaan yaryar, cawlan, oo leh lix lugood iyo ilka adag oo beel beel u dega, dundumooyinka sameeya.

caraw [m.l]
Midab cawl ah.

cawlan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax midab cawl ah leh ahaansho. ld cawllan.

cawlawareershe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
ld cawlwareershe.

cawlikudhal [m.dh]
ld cawlikudhashay.

cawlikudhashay [m.dh]
1. Xilli bartamaha guga ah oo roob badan da'o. 2. Roob badan oo xilliga gu'ga bartamihiisa da'a. ld cawlikudhal.

cawllan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld cawlan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg