cawlan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)Wax midab cawl ah leh ahaansho. ld cawllan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cawlan ↴
aboor [m.l]
Cayayaan yaryar, cawlan, oo leh lix lugood iyo ilka adag oo beel beel u dega, dundumooyinka sameeya.
cawllan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld cawlan.
cawlnaan [m.f.dh]
eeg cawlan. ld cawllanaan, cawllanaansho, cawlnaansho.
dahab [m.l]
Macdan qaali ah, midab cawlan leh, dhalaasha, aan daxalaysan oo waxyaabaha la isku qurxiyo laga samaysto.
maar [m.dh]
1. Macdan cawlan, jilicsan, oo lacagta iyo alaabooyin kale laga sameeyo. 2. Daxalka biraha dushooda ku samaysan. 3. Biyo muddo fadhiyey wasakhda ka dhalata. 4. Caws jilicsan oo xooluhu daaqaan raradana laga sameeyo. 5. Midab, guduud madow yari ku jiro ah oo lo'du yeelato.
cawl [m.l]
1. Midab casaan xigeen ah. 2. Cawsha keeda lab.
cawl [m.dh]
1. Ugaarta waaweyn jaad ka mid ah, leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga ka cad; cawlo. 2. Cawl dhaddig ah.